Jaaliyada Puntland ee Australia oo ilaa hada Ururiyey USD 35,000

Gurmadka Qardho wuxuu si rasmi ah uga socdaa Dacalada Aduunka, Soomaalida Qurbuhu una aysan kala harin, waxaana wali socda Ururinta Lacagaha Gurmadka.

Jaaliyada Puntland ee Dalka Australia oo wali ku howlan Ururinta lacagta lagu caawinayo Shacabka Qardho ayaa ilaa hada waxaa Koontadooda kusoo dhacay Aduun gaaraya 35,000 USD, oo aysan Jaaliyada Soomaaliyeed ukala harin walow dhaqaalaha ugu badan ay bixiyeen Jaaliyada Puntland kasoo jeeda.

Lacag Ururinta marka uu dhamaado waxay Jaaliyada ay lacagta ku hagaajinayaan Gudiga Dowlada Puntland ee Gargaarka Qardho.

Jaaliyada New Zealand ayaa iyana ku guda jira Ururinta Gargaarka Qardho.

kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Garowe

<