Faahfaahin Weerarkii Xalay lagu qaadey Saldhiga Ciidamada Puntland Galbeedka Gaalkacyo

Wararka rasmiga ah ee laga helay Ciidamada Waxay sheegeen in weerarka ay soo qaadeen kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn balse uu socdo Baaritaan rasmi ah.

Weerarka lagusoo qaadey Deegaanka teerage, oo dhanka Galdogob ku yaal, wuxuu ahaa mid ku dhufo oo ka carar ah, khasaaraha rasmiga ah waa hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Puntland oo dhintay.

Maleeshiyaadka weerarka soo qaadey oo goobta ka cararay durba khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray Lama oga.

Warar waxaa jira sheegaya in kooxda weerarka soo qaadey ay ahaayeen Al-Shabaab iska dhigaya Dadka Deegaanka,

Ciidamada Puntland ee deegaanadaas ku sugan ayaa hada baaritaan buuxa waxay ka wadaan deegaanka.

Saxaafadaha Muqdisho ayaa Qoraya in Abaabul Ciidan uu Gaalkacyo ka socdo , wararkaan waa been Abuur, ma jiri wax abaabul ama Dareen Dagaal ah oo Gaalkacyo ka jira Maanta oo Axada.

Xaafada Baraxlay oo aan iyana saaka booqanay , Weerarka uun baa la hadal hayaa, laakiin dhiibo Colaadeed kama jirto.

Puntlandi.com

Gaalkacyo

<