Dowlada Puntland oo soo saartay warbixin hordhac ah oo kubsaabsan Khasaarihii gaaray Qardho

Warbixin hordhac ah oo wali aan sobrani ah loo shaacin ayaa Dowlada Puntland ay ka diyaarisay khasaaraha gaaray Magaalada Qardho oo Daad kusoo rogmaday 28 Maarso .

Warbixinta waxaa lagu sheegay in ugu yaraan 700 oo Guri ay Burbureen, hal Burundi ay iyana burburtay,

Magaalada Qardho oo ay degan yihiin 110.000 oo Qof wuxuu Daadku sameeyey kala bar Dadka Magaalada degan, kusoo isugu jira kuwa uu Guryohooda ay burbureen iyo kuwo Biyo ah Guryohooda galeen , biyahaasoo qusayso dhaam alaabtii Guryaha taalay.

Waxaa iyana jira Gudi Injineer ah oo Madaxweyne Deni uu u xilsaaray inay soo gudbiyaan warbixin ku saabsan sidii loo doyaarin lahaa Barnaamij looga hortagayo in masiibadaan oo kale aysan Magaalada ku dhicin,

Warbixintaan waxaa loo gudbiyey Dowlada Puntland oo iyana usii gudbisay Hay’adaha ay qusayso oo ka qayb qaadanaya ka hortaga Fatahaada Magaalad.

Gurmadka Magaalada ayaa ilaa hada u socda siwanaagsan oo aan loo kala harin ,

Puntlndi.com. Qardho

<