Baarlamaanka Jubbaland oo meelmariyey Codsigii Madaxweyne Axmed Madoobe

Baarlamaanka Jubbaland ayaa markii labaad si aqlabiyad ah u aqbalay codsi ka yimid Madaxweynaha Jubbaland, Codsigaas oo ahaa in loo kordhiyo Wakhtiga uu Xukuumada kusoo dhisayo.

50 Xildhibaan ayaa u cadeeyey Codsiga Madaxweynaha, 48 Waa aqbaleen halka 2 Xildhibaan ay diideen, Xildhibaan ayaa isna ka aanusay, Guud ahaan kulanka waxaa soo xaadiray 51 Xildhibaan.

Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay kasoo wareegtay mudo Sagaal bil ku dhow , ayaa waxaa laga sugayay inuu Xukuumad cusub soo dhiso, Baarlamaanku waxay maanta u qabteen inuu mudo 30 Cisho gudeheed ah uu kusoo dhiso Xukuumada.

Puntlandi.com Kismaayo

<