Wafdi ka socda Xisbiyada Midnimo Qaran oo wada lacagtii ay ku deeqeen Xildhibaanada Muqdisho oo Qardho kusoo wajahan

Masuuliyiinta Xisbiyada Midnimo Qaran ayaa ku soo wajahan Puntland , Masuuliyiintaan ayaa waxay wadaan Kaalmo ka koobnaan doonta Lacag iyo Agab kale.

Xildhibaano kamida Midnimo Qaran ayaa horay u shaaciyey inay ku deeqeen lacago 150,000 iyo 170,00 iyo lacago kale , waxaana lacagtaas lagu ururiyay Koonto Midnimo Qaran u dirtay Qardho, waana lacagta ay Wafdiga Midnimo Qaran ay keeni doonaan Puntland, waxayna qorshaynayaan inay ku wareejiyaan Gudiga Dowlada Puntlnd ee Gargaarka Qardho.

Wararka ay Puntlandi helayaan waxay kaloo sheegayaan in Dayuurad ay kabuuxaan Raashin iyo Agab kale ay doyaarinayaan Midnimo Qaran.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa hogaamiyo u ah Xisbiyada ku bahoobay Midnimo Qaran.

Puntlandi.com
Muqdisho

<