Muqdisho, Dad aan u geeriyoon Corona Virus oo Lagu daray liiska Dadka u geeriyooday Cudurkaan, Eheladii oo ka dacwoonaysa

Wasiirka Warfaafinta DF Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu maalmihii lasoo dhaafay sheegey in Dadka Muqdisho ku geeriyooda loo aqoonsanayo in Corona uu dilay, macneheedu yahay Qofkii Xabad ku dhacdo waxay Dowladu u rajiistaraynaysaa inuu Corono Virus Dilay.

Hadaba Dowlada hoose ee Gobolka Banaadir ayaa laba maalin ka hor waxay Shaqaale u dirtay Goobaha Dadka lagu aaso, Waxaana la amray iney Diiwaan galiyaan Dadka la aasayo magacooda oo Sadexan, kadibna liiska waxaa loo gudbinayaa Villa Soomaaliya.

Waxaa soo baxaya Shacab badan oo ka dacwoonaya in si qaldan loo isticmaalayo magacyada Eheladooda Geeriyootay, kuwasoo aan u geeriyoon Cudurka Corona , Balse Xukuumada Federaalku ay ku shaabadeynayso inay u geeriyoodeen Cudurkaas.

Lama garanayo sababta ka dambeysa in la farafareeyo tirada ama sare loo qaado tirada Dadka u geeriyooday Cudurkaan waxaase loo badinayaa in Siyaasad iyo dhaqaale uu ka dambeeyo.

Puntlandi.com

Muqdisho

<