Augustine Philip Mahiga Oo geeriyooday

Ambassador Augustine Mahiga,

Ergaygii Gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya 2003 ilaa 2010 Augustine Philip Mahiga ayaa maanta ku geeriyooday Dalkiisa Tanzania.

Mahiga wuxuu ahaan jiray Wasiir Tanzania, Ambasador iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay .

Waxaa lagu Xasuustaa Xiliyadii Dowladaha Kumeelgaarka ah ay Soomaaliya ka jireen, Wuxuu kaloo qayb wayn kasoo qaatay In Soomaaliya ay ka baxdo Kumeelgaarnimada.

Wuxuu hormuud u ahaa Shirkii Kampala ee lagusoo sameeyey Kampala Accord oo uu Raysal wasaarihii Xiligaas oo ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu Shaqadiisa kuwaayay .

Waxaa sigaara loogu Xasuustaa Mahiga kaalintii uu ka qaatay heshiisiintii Labada Shariif oo ka dhacdey Hotel ku yaal Kampala oo lagu saxiixay Heshiiskii Kampala Accord 20 Ogoosto 2011 kii, Heshiiskaas waxaa kamid ahaa in Raysal wasaare Farmaajo uu iscasilo 30 maalmood gudeheed, Madaxweyne Shariif Sheikh Ahmed wuxuu soo dhisay kadib iscasilaadii Farmaajo . Xukuumadii Roadmap ee Raysal wasaare Gaas kadibna Dalka kasaartey nidaamkii kumeelgaarka.

Augustine Philip Mahiga wuxuu ku geeriyooday Da’ da 75 jir.

Ambassador Augustine Mahiga,
<