Yaa Qardho ugu deeqay lacagtii ugu badnayd oo hal shaqsi bixiyo

Dhibka soo gaaray Magaakada Qardho waa dhibkii ugu weynaa ee Magaalo Soomaaliyeed soo gaara taariikhda, Dhamaan goobihii Ganacsiga Magaalada waa burbureen.

Suuqii Ganacsiga ee bartamaha Magaalada ku yaalay gabi ahaan biyaha qaadey, ma jiro hal ganacsi oo ka badbaadey Dadkii Magaalada ku soo rogmaday, Sidaas awgeed Reer Qardho waxay hada ku tiirsan yihiin Gurmadka ay Bulshada Soomaaliyeed soo gaarsiineyso.

Ilaa hada Shaqsiga bixiyey lacagta ugu badan ee Qardho lagu taageerayo waa

1-Xildhibaan oo ila markaasna ah aGanacsade Cadow Cali Gees 170,000 USD

2-Xildhibaan isla markaasna ah Ganacsade Cabdullaahi Maxamed Nuur, Ganacsaduhu 150,000 USD

Labadaan Masuul waxay isu geyn bixiyeen 320,000 oo Dollar, waxayna ku hagaajiyeen Dowlada Puntland.

Magaalada Qardho waxaa gaaray khasaare baaxadweyn oo Gurmad xoogan u baahan, Qof walba oo Soomaaliyeed oo ka qayb qaadanaya waa lasoo dhaweynayaa waana looga mahadcelinayaa.

Puntlandi.com
Muqdisho

Xildhibaan Ganacsade Cadow Cali Gees
Xildhibaan Islamarkaasna ah Ganacsade Cabdullaahi Maxamed Nuur
<