Siyaasiyiinta Puntland oo ku baaqay in Xukuumada looga dambeeyo Gurmadka

Sanatar Cabdirsaaq Jurile iyo Madaxweynayaashii hore ee Puntland DR.Faroole iyo Prof.Gaas oo si Wadajir ah Magaalada Garowe kula hadlay Saxaafada ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in Gudiga uu Madaxweyne Deni magacaabay oo qura looga dambeeyo Gargaarka Magaalada Qardho.

Masuuliyiintaan waxay si weyn ugu hambalyeeyeen una bogaadiyeen Madaxweyne Deni qaabka uu u maareeyey Xaalada Magaalada Qardho iyo joogitaankiisa Magaalada.

Masuuliyiintaan waxay sheegeen in Gudiga Madaxweynuhu uu Magacaabay ay yihiin cida qura ee maaraynasa taageerada Shacabka dhibku soo gaaray.

Ugu dambeynta waxay sheegeenn in iyaga qudhoodu ay diyaar u yihiin iney Garab istaagaan Madaxweyne Deni.

Puntlandi.com

Garowe

<