Qardho oo markale looga cabsi qabo Daadad kusoo rogmada

Sida lagasoo xigtay culumada Hawada saadaalisa waxaaPuntland kusoo wajahan Roobab xoogan oo ma joogaan ah, waxaana laga cabsi qabaa Daadad hor leh iyo dabaylo.

Magaalada Qardho oo habeynkii Talaadada ay qaadeen Daadad kasoo rogmaday Burhaan ku teedsan Magaalada ayaa laga cabdi qabaa in markale uu Daad kusoo rogmado Magaalada.

Dowlada Puntland ayaa loogu baaqay in Ciidan Gurmad ah la geeyo Goobaha Khatarta ka imaan karto si ay u qiimeeyaan Roobabka ku hvori doona deegaanadaas.

Waxaa kaloo la soo jeediyey in Xarun ku meel gaara oo 24-ka saac shaqaysa laga furo Duleedka Magaalada Qardho Buuraha hoostooda, si loo qiimeeyo Roobka ku da’a iyo biyaha kasoo rogman kara Buuraha.

Deegaanka Dangoroyo Iyo Xeebta Eyl ayaa ka mida meelaha laga digayo in Roobku uu waxyrelo.

Magaalooyinka Carmo,Ufayn,, BareedaL Laasqoray Bandarbayla.Garacad iyo Yalxo ayaa iyana laga digay in Roobku wax yeelo.

Puntlandi.com

Qardho

<