Dowlada Federaalka oo 1 Milyan Dollar ku bixisay Gurmadka Qardho

Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan shire ayaa sheegay in Koontada Dowlada Puntland ay soo gaartay Lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo ay soo dirtay Dowlada Federaalku, lacagtaasoo ah Gurmadka Qardho.

 

wasiirka ayaa ugamahad celiyey Dowlada Federaalka deeqdaan, wuxuuna sheegay in la agtaas ay Dowlada Puntland ku wareejindoonto koontada Gurmadka Qardho.

waxaa jiray Lacag dhan Hal Milyan oo ay Dowlada Federaalku horay ugu deeqday Puntland oo ku saabsanayd Cudurka Corona balse lacagtaas Way xanibtay Dowlada Federaalku.

puntlandi.com

 

<