Bogaadin : Xildhibaan Cadow Cali Gees oo 170 ku oo US Dollar ugu deeqay Walaalaha Reer Qardho

 

Xildhibaan  Cadow Cali Geed oo ka mid ah Xildhibaanda Dawlada Federaalka Somaaliyeed ayaa ugu deeqay 150 kun oo Dollarka Mareykanka ah Shacbiga reer Qardho ee dhibaatadada baaxada lihi ka soo gaartay daadadkii ku soo fatahay magaalada Taariikhiga ah ee Qardho.

Xildhibaanka ayaa taariikhada Umadda Somaaliyeed iyo mida Shacbiga Puntlandba baal dahab ku yeelan doona.

Way ku badan yihiin Somaaliya iyo Puntlandba Dad habeen iyo maalinba dhawaaqa, lakiin maalintii ay waxtar iyo Dadnimo ay gaarto dhuunta oo la waayo meel ay ka baxeen.

 

Abwaan Gabay Cadi :

Bawdada markii aan ka jabay iyo boqonka taagiisa

Habeenkaaba way bidhan lahaa bahalkii cawlaaye

Raggii baarqabyada ii qalqal beerka ka ogsooni

Raggii buurta dheer igala baxay beerka ka ogsooni

Bacilaamo goortay dhamaan iga dul booyeysay

Bah shudaysan baga inay I tidhi beerka ka ogsooni

Raggii burunji inuu igu cuno ii bariidinaayey

Ee aan bar kale ii tarayn beerka ka ogsooni

Ninkii balad shisheeye iga jiray soona bixi waayey

Ee aan bogsado uun jeclaa beerka ka ogsooni

Laxaad waa badhaadhe hadduu ii bogsado xooge

Haddii biixiyaha Eebahay kay ikugu beego

Abaal badha abaal bura abaal bur iyo dheeraad ah

Ninba kiisa kaan ugu badali beerka ka ogsooni…..

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<