Xaalada Magaalada Qardho

Magaalada Qardho oo Habeyn hore uu Daad kusoo rogmaday ayaa wali la tacaalaysa biyaha faraha Badan ee Magaalada inteedabadan qaaday.

Gurmad ka yimid Bosaso iyo Garowe ayaa goordhaweyd soo gaaray Magaalada , Gurmadkasoo ka kooban Raashin iyo Teendhooyin iyo Biyo nadiif ah.

Ciidamada Puntland oo baadigoob ugu jira shacabkii lawaysanaa Way soo heleen oo dhamaan Dadkii lawaysanaa waa la helay iyagoo nabdoon.

Gaadiid badan iyo guryo ayay biyuhu burburiyeen, waxaana khasaaraha lagu qiyaasay 60% in Dadku uu wax yeelay tasoo macneheedu yahay in Bulshada Reer Qardho uu dhibka soo gaaray in ka badan 60% .

Waxaa hada socda Wajiga kowaad ee Gurmadka oo ah in Shacabka waxyeeladu soo gaartay ay helaan Cuno iyo Deegaan deg deg ah. waxaana hada muuqata in gurmadkaas uu durba si wanaagsan u bilowday.

Dowlada hoose ee Qardho ayaa ku guulaysatay in dib loo furo Wadooyinkii Daadku xiray

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni wuxuubwali ku sugannyahay Qardho si uu dhibka ula wadaagi Shacabka. Xaaladana ula socdo.

Magaalada Gaalkacyo waxaa Galabta ka baxaya Gurmad kii u horeeyey ee ay Qardho u diraan waxaana wali socda dadaalo Gurmad kale loogu dirayso Magaalada Qardho.

Puntlandi.com

Qardho

<