Waare oo doonaya inuu Xaalada Qardho uga jawaabo sidii Reer Puntland uga jawaabeen Fatahaatii Wabiga ee Baledweyne

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Gudi u saaray Gurmad uu sheegay in loo samaynayo Qardho, wuxuuna Maamulada Labadiida Gobol uu ka dalbadey Dadaal dheeraada inay saneeyaan.

Gudiga uu Madaxweyne Waare Magacaabay waxay ururindoonaan Gurmad ay Hirshabeele uga qayb qaadanayaan Daadadkii ku soo rogmaday Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Waare ayaa u muuqda mid uu doonayo inuu Reer Puntlandi uga abaalgudo kaalintii muuqatay ee ay Shacabka Reer Puntland iyo Xukuumadiisu ay uga qayb qaateen Gurmadkii loo dameeyay Dhacabka Reer Baladweyne xiligii uu Wabiga Shabeele uu qaadey Magaalada , Kaalmadii Baladweyne ee Puntland waxay noqotay tii ugu wayneyd ee loo sameeyo Hiiraan.

Su’aasha la isweydiinayaan waa Reer Hiiraan ma ugu Gurmad doonaan Puntland sidii ay iyaga ay ugusoo gurmadeen.

Puntlandi.com

Muqdisho

<