Reer Baladweyne waxay yiraahdeen “waa tookadayadii, Qardho haloo gurmado”

Waxgaradka iyo Dhalinyarada Magaalada Baledweyne waxay wali xasuustaa Gurmadkii Ugu weynaa ee ay heleen Xiligii Wabigu kusoo fataha Magaalada meeshii uga yimid, waxay xasuustaa in Puntland ay halmaalin u istaagtay in ay Reer Baledweyne la qaybsadaan dhibkaas hada Ilaahay ka saaray.

Hadaba maanta waxaa Magaalada Baledweyne ka dhacay kulamo dhowra oo looga arinsanayo sidii loo ururin lahaa Gurmad loo diro Magaalada Qardho.

Abaabulkaadoo isla maanta ka bilowdey Magaalada Baledweyne, Dhalinyarada iyo Waxgaradka ayaa waxay Magaalada ka bilaabeen Ururinta Gurmadka.

Horay ayaa Madaxweyne Waare wuxuu saaka amray in Gurmad loo diro Qardho, laakiin wali Lama shaacin gurmdkaas nooca uu yahay .

Baledweyne oo u istaagtay inay u gurmadaan Qardho

Puntlandi.com

Baledweyne

<