Puntland oo ku baaqday in Wixii Gurmad ah lasoo marsiiyo oo qura Gudiga Dowladu Magacawday

Qoraal ay soo saareen Gudiga Gurmadka Qardho ayay uga digeen Bangiyada, xawaaladaha iyo Shirkadaha Isgaarsiinta inaysan cidna u dirin wax Koonto ah oo Lacag loogu ururinayo Magaalada Qardho.

Ujeedada ugu weyn ee Amarkaan ayaa waxay tahay in lga hortago in Dad ay si qaldan u adeegsadaan Gargaarka loo fidinayo Shacabka Reer Qardho.

Gudigu wuxuu ka codsadey Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in Cidii doonayaa inay Caawiyaan Walaalohooda Reer Qardho ay lasoo Xiriiraan Gudiga.

Marar badan ayaa waxaa dhacay muran iyo isdabamarin ka dhashay dhaqaale loo ururiyay Bulshada Soomaaliyeed waana arinta keentay in Gudigu uu joojiyo in Dad gaara ay iskood u furtaan koontooyin loogu gurmanayo Reer Qardho .

Hoos ka akhriso Warqada Gudiga Gurmadka Qardho

<