Sawiro, Madaxweyne Deni oo amray in si deg deg ah loogu sameeyo Qiimeyn Guud khasaarihii Ka dhashay Dadkii kusoo rogmaday Qardho 28/4,2020

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta la hadlayay Gudi Khaasa oo loo saaray qiimaynta Khasaarihii ka dhashay Daadadkii Qardho ayuu wuxuu Amar kusiiyay Gudiga iney sida ugu dhakhsaha badan ay kusoo baaraan ayna qiimeeyaan khasaaruhu intuu baaxad le’eg yahay.

Madaxweynuhu wuxuu qorsheeyey in dhinac Gurmadka laga wado isla markaasna lasoo qiimeeyo Khasaaraha rasmiga ah, si Adeega dhabta ah ee Bulshadu u bahantahay loo ogaado isla markaasna looga faa’iideysto In la helo wado deg deg ah oo Shacabku ugu soo laaban karaan nolol maalmeedkoodii.

Shacabka Qardho iyo Maamulka Degmada ayaa iyana dhankooda aan fariisan tan iyo Shalay, Xaalada magaaladuna waxay hada u muuqataa mid si wanaagsan loo wajahay, waxaa uun dhiman Gurmad cuno iyo dhaqaale.

Puntlandi.com

Qardho

<