Jabiye oo Doorashadii ka dib markale jeebka gacanta galiyey oo Qardho ugu deeqay 45,00 USD

Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye Oo ka mid ahaa Musharixiintii u tartamaya Madaxweynanimada Puntland Doorashadii 2018 ayaa xiligii Doorashada wuxuu caan ku ahaa inuu lacago farabadan uu kaga qayb qaato Adeega Bulshada tasoo qayb ka ahayd Ololihiisa Doorashada.

Mudane Jabiye ayaa iminka nr kale jeebka gacanta Galiyey wuxuuna ka danqaday Dhibka gaaray Shacabka Magaalada Qardho oo Habeynkii Talaadada uu Daad kusoo rogmaday Magaalada kasoo geystay Khasaare nooc walba ah, oo dhimasho Shacab ay kamid ahayd.

Aduun gaaraya Afarta iyo Shan kun oo Dollar (45,000$) ayuu ugu deeqay Dhacabka Magaalada waana dhaqaalihii ugu badnaa ee ilaa hada loogu yabooho Mashaqada Qardho.

Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye oo ah Ganacsade idla markaasna ah Doyaasi wuxuu ku baaqay in Ganacsatada Reer Puntlnd ay iyana jeebka gacanta galiyaan oo la Garab istaago dhacabka Reer Qardho.

Jaaliyadaha Dibada ayaa loogu baaqay inay sidii looga bartay ay Gargaar deg deg ah soo gaarsiiyaan Shacabka.

Puntlndi.com

Nairobi

<