Gaalkacyo oo sahay gurmad ah u dirtay Qardho

Galabta waxaa Gaalkacyo ka ambabaxay Gawaarisida Gurmad ay Reer Gaalkacyo u direen Magaalada Qardho.

Tan iyo shalay waxaa Magaalooyinka Puntland ka socdey ka qayb qaadashada Taageerida Shacabkii ku waxyeeloobay kuna Hanti beelay Daadadkii ku soo rogmaday Magaalada 4aad ee Puntland.

Maanta waxaa horay u gaaray Qardho Gurmadka yimid Garowe iyo Bosaso, Gurmadka Gaalkacyo ayaa la filayaa inuu caawa(Arbaco) fiidkii uu gaaro Qardho halkaasna ay kula wareegaan Gudiga ay Xukuumadu u saartay Xaalada Qardho.

Waxaa xusid mudan ineysan Qardho gali Karin Gurmad aan soo marin Gudiga, tasoo ah talaabo wanaagsan oo lasoo dhaweeyey.

Hoos ka daawo Sawirada Gurmadka Gaalkacyo dirtay

<