
Bulshada Soomaaliyeed waxaa looga digayaa Shaqsiyaad Internet-ka ka bilaabay Khiyaamo ay Lacag ku samaynayaan iyagoo iska dhigaya iney Gurmad u Ururinayaan Dadka ku Hanti beelay Daadadkii kusoo rogmaday Qardho.
Goobaha Online-ka ee Lacagaha Samafalka lagu ururiyo ayay Dadkaan Adeegsanayaan waana Dad Soomasli ah.
Si looga hortago Khiyaamada noocaan ah waa sababta markii horaba ay Dowlada Puntland u Magacawday Gudi Gurmad, Waxay Puntland hoosta ka xariiqdey in Cidii Gurmad ururinaysa ama Usoo gurmanaysa Qardho ay lasoo xiriiraan ama kaalmada ay kusoo hagaajiyaan Gudiga Dowlada.
Qurba joogta:- La xiriira Xawaaladaha
Hadaba Bulshada waxaa looga digayaa Dadka ku Lacag urursanaya qaabka noocaas ah.
Nairobi