Breaking News— Puntland oo diiday iney Qardho yimaadaan Wafdi heer Wasiir ah oo Muqdisho ka imaan lahaa

Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa xaqiijinaya in muran Xoogan uu ka dhex taagan yahay Garowe iyo Muqdisho.

Puntland shalay waxay is hortageen Wafdi uu Madaxweyne Farmaajo usoo diri lahaa Garowe si ay usoo booqdaan Magaalada Qardho, Laakiin Madaxweyne Deni ayaa hor istaagey in Wafdiga ay yimaadaan.

Warar aan wali la xaqiijin balse Puntlandi.com ay heleen waxay sheegayaan in murankaan uu salka ku hayo balan qaadayo taageero bini aadanimo oo ay horay u samaysay Dowlada Federaalku ayay fulin waysay Sababo Siyaasadeed awgeed, waana tan keentay in Puntland ay hada is hortaagti in Wasiirada fedearaalku ay Qardho booqdaan.

Waxaa hada socda Wadahadal hoose oo Arinta lagu xalinayo balse Uma muuqato mid guul laga gaarayo,

Wixii kasoo kordha warkaan kala soco wararkayaga dambe

Puntlandi.com

Garowe

<