Wasiirka Maaliyada Dawlada Federaalka C/raxmaan Beyle ayaa sheegay in aan Puntland la siin doonin Halkii Million ee Dollar ee loogu talo galay Maamul Gobolada Dalka ee gargaarga wax ka qabshada Cudurka Corona

Muqdisho : Wasiirka Maaliyada Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Cabdiraxmaan Beyle ayaa sheegay in aan Dawlad Goboleedka Puntland la siin doonin gargaar dhan hal Million oo Dallarka Mareykanka ah oo loogu talo galay talo galay in maamulada Dalku ay wax uga qabtaan la tacaalida Cudurka Corona.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in shuruudihii loogu talo galay bixinta lacagtaasi ay buuxiyeen kaliya,oo ay siyeen qaadarkaas lacagta ah Maamul Goboleedada Hirshabeele,Galmudug iyo Konfur Galbeed.

Mudane Beyle oo sii faahfaahinaya hadalkiisa ayaa si cad oo dhiranaan ahi ku jirto u sheegay in Maamul Goboleedada Puntland iyo Jubbaland ay soo buuxin waayeen shuruudaha loogu talogalay bixinta deeqdaasi, Wasiirku ma sheegin nooca shuruuda ah ee laga rabay Maamul Goboleedadaas deeqda loo diiday.

Ma aha wax cusub in maamulka Madaxweyne Farmaajo u dagaal iyo cadaawad toos ah ku hayo Maamulka iyo Shacbiga Puntland mudadii uu Xafiiska fadhiyey, lakiin waxaa wax laga xishooda ah oo Damiirka Insaanka dhawaceysa in Madaxweyne Farmaajo uu u Siyaasad qabiil u isticmaalo gargaarka lagula dagaalamaayo cudurkaa masiibada ah ee Corona ah.

Waxaa nasiib wanaag ah in aanu Shacbiga iyo Xukuumada Puntland u dhutin doonin hal Million oo Dollar iyo naceybka beeleysan ee uu Farmaajo u qabo Shacbiga Puntland

<