Dhimashada Corona Virus oo ka badan 159 Qof

Waxaa muran xoogan ka taagan yahay tirada saxda ah ee Magaalada Muqdisho igu geeriyooday Corona Virud, Laakiin sida hada laga soo xigtay Dhakhaatiir dhowr ah waxaa soo baxday in tirada Dhimashada ay kor u dhagayso 159 Qof.

Dhakhtar baaritaan ku sameeyey Kiiskaan ayaa wuxuu taageeray hadal shalay kasoo yeeray Hogaamiyaha Xisbiga wada jir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in Tirada dhimashada Corona Virus ay kor u dhaaftay 100 Qof.

Dhalhtarku wuxuu kaloo sheegay in Qabuuraha Muqdisho uu la xiriiray, xogta uu soo ururiyayna ay gaarayso 159 Qof oo dhimasho ah.

Wuxuu dhakhtarku intaas raaciyey in hada maalinba maalinta ka dambaysa ay tirada dhimashadu sii kordhayso.

Dhakhtarku wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay maalintiiba geeriyoon karaan 10 Qof, Sababtoo ah buu yiri ma jiro wax Qorshe rasmiga oo Xukuumada ay ugu tala gashay ka hortaga Corona.

Puntlandi.com

Muqdisho

<