Xilka qaadista Janaraal Muxayadiin waa qayb ka mida Dib u habeynta lagu samaynayo Boolidka

Xilka uu Madaxweyne Deni uu ka qaaday Taliyihii Booliska Puntland Muxayadiin Axmed Muuse uyo ku Xigeenkiisa ayaa yimid ka dib muran xoogan oo ka dhashay qaabka dib u habeynta loogu samaynayo Booliska .

Waraka ay Puntlandi Helayaan waxay sheegayaan in Xilka qaadista Taliyaha ay qayb ka tahay Barnaamijka Dib u habeynta casriyaysan ee Booliska lagu samaynayo.

In Booliska Puntland lagu sameeyo dib u habayn Casroyaysan waxay keentay in Laga bilaabo in dib loo eego hogaanka ugu sareeya Booliska si loo helo hogaan la kaan qaadi kara Barnaamijka dib u habeynta Booliska, Boolisku ma aha kii hore oo ku salaysnaa qaabkii Booliska Doomaaliya Xiligii kacaanka, Waxaan dionaynaa Boolis la jaan qaada Dimoqoraadiyenta iyo u Adeegyada Bulshada, waxaa sidaas Puntlandi.com u sheegay mid kamida Gudiga Dib u habeynta ku samaynaya Booliska, kasoo naga dalbadey in aan magaciisa la daabicin..

Sababta Xilka looga qaaday Taliyaha ayaa ah Arintaas aan kor ku xusnay, wuxuuna Madaxweyne Deni magacaabi doonaa Taliye cusub oo hogaanka u qabta Booliska Puntland.

Cabdi Xasan xuseen ayaana loo magacaabay Taliyaha Cusub ee Booliska

Puntlandi.com

Garowe

<