Taliayah Cusub ee Booliska Puntland waa kuma

Kadib markii xilka laga qaadey Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland Janaraal Muxayadiin wuxuu Madaxweyne Deni uu Xilka u magacaabay Taliye cusub oo ah Cabdi Xasan Xuseen oo loo yaqaan Cabdi Yare.

Cabdi Xasan Xuseen wuxuu haystaa Tababarka Ciidanka ladagaalanka Argagixisada, wuxuu soo noqday Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Puntland PIS-ta, xukuumadii Madaxweyne Faroole.

Xiliguu Madaxda ka ahaa Ciidanka Ladagaalanka Argagixisada wuxuu dagaal badan kula galay gudaha Magaalooyinka waa weyn ee Puntland, waana xiligii Al-shabaab ay isku dayayeen inay Puntland usoo galaan sida ay ugu baaheen Koonfurta Soomaaliya.,

Magacaabida Cabdi Yare waxay qayb ka tahay Dib u habayn waayadaan lagu wadey Ciidanka Booliska Puntland si sare loogu qaado tayadooda. Puntlandi.com Garowe

<