Al-Shabaab oo weerar ismiidaamin ah ku qaaday Xarunta Amisom ee Baraawe

Garoonka Diyaaradaha Baraawe oo islamarkaasna Xarun u ah Ciidamada Amisom ayaa Al-Shabaab soo weerareen maanta.

Weerarka oo ay u adeegsadeen Gawaari Qaraxii saaran yihiin ayay la beegsadeen Saldhiga Amisom balse Ciidamada Amisom ayaa Difaaca Adag kaga hortagay weerarka, sida ay ilo lagu kalsoon yihiin ay ka soo xigteen Amisom.

Labagaari ayaa Amisom ku qarxiyey Banaanka hore ee Xaruntooda Baraawe, gawaaridaasoo ay damacsanaayeen iney Gudaha u galaan Xarunta balse Ciidamada Amisom ayaa ka hortagay weerarkaas, waxaa sidaas lagasoo xigtay Saraakiil ka tirsan Amisom.

Masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku sugan Baydhabo ayaa iyana xaqiijiyey weerarkaan, Wayna ka gaabsadeen inay tafaasiil dheeraada iyo khasaaraha haduu jiri ay sheegaan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Puntlandi.con waxay u sheegeen weerarka lagu dilay ugu yaraan 5 kamida Maleeshiyada Al-Shabaab. Satse ka gaabsadeen inay sheegaan hadii uu jiri khasaare soo gaaray Dhinaca Ciidamada Amisom

Wixii faahfaahina ee soo kordha waan soo gudbin doonaa.

Puntlandi.com
Kismaayo

<