Dowlada Federaalka oo lagu eedeeyay inay Deeqda Caalamku bixiyo ay iska dhigto in ay Dowlada afederaalku jeebkeeda ka bixinayso, iyo balanqaad Been ah

Dowlada Federaalka Diomaaliya ayaa lagu eedeeyay in Ay dhaqaalaha Ay Deeq bixiyaashu bixiyaan ay u isticmaasho olole siyaasadeed, iyo Borobogaando ka dhan ah Mucaaradka.

Waxaa kaloo lagu eedeeyay Villa Soomaaliya balanqaadyo been abuur ah oo ay u fifiyaan Maamul Goboleedyada iyo Bulshada danyarta ah iyadoo lagu jiro xili ay Shacabku la tacaalayaan qaabkay uga hortagi lahaayeen Xanuunka faafa ee Corona Virus.

Xukuumadu waxay shaacisay in lacag gaaraysa qiyaastii 1 Milyan oo Dollar ay siinayso Maamul Goboleed walba si looga caawiyo ka hortaga Corona, laakiin waxaa la soo ogaadey in Maamulada Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed ay heleen min Nus malyan Dolla.

Waxaa kaloo la ogaadey in lacagtaan ay ahayd qayb ka mid ah lacago Maamul Goboleedyada loosoo mariyey Dowlada Federaalka oo loogu tala galay Mashaariic kale.

Maamulada ay Siyaasad ahaan iska soo horjeedaa Villa Somaaliya wax Lacag ah Lama siin, Sababta waxaa lagu sheegay in awalba qorshuhu uu ahaa in Mashaariicda Beesha Caalamku ay bixisay loo badalo dhaqaale lagula dagaalayo Corona iyadoo dhanka kalena uu ahaa olole Siyaasadeed oo Magac lagu raadinayo, sidaas awgeed Way ku adkaatay Xukuumada inay qaabkaas ku khiyaamaan Puntland iyo Jubbaland, iyadoo Caalamka iyo Bulshada Soomaaliyeed loo sheegayo in Dowlada Federaalku ay jeebkeeda ka caawisay Naamulada Dalka.

Mashruuca kale oo isna kashifmay waa Mashruucii uu Madaxweynuhu daahfuray ee loogu yeeray BAXNAANO.

BAXNAANO wuxuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Bulshada Soomaaliyeed u sheegay inuu yahay Barnaamij lagu caawinayo Bulshada Danyarta ah oo Lacag Cayr ah ay Dowladu u bilaabayso Qoysaska Danyarta ah, lacagtaasna ay jeebkeeda ka bixinayso Xukuumadu.

Laakiin waxaa iyana la ogaaday in Madhruucaan uu la mid yahay lacagtii halka Milyan ahayd ee ay Xukuumadu ugu yaboohay maamul Goboleedyada.

Xukuumadu waxay Magaca ka badashay Mashruuc uu Bangiga Aduunku ugu deeqay Soomaaliya qorshuhuna ahaa in loo qaybiyo Maamul Goboleedyada , Magaca Rasmiga ah ee Mashruucaan waa Safety Net for Human Capital Project (SNHCP).

Carlos Felipe Jaramillo oo ah Madaxa Banka Aduunka ee Wadamada Soomaaliya, Kenya, Ruwaanda iyo Ugaandha oo la yaabay habdhaqanka Xukuumada ayaa Qoraal Siyaasadeysan oo lagu kashifayo Hadalkii Madaxweynaha ayuu wuxuu soo dhigay Bartiisa Twitterka isagoo qaab siyaaadeysan uu u muujinayo cida bixisay lacagta Mashruuca Madaxweyne Farmaajo uu ugu yeeray BAXNAANO iyo waliba Magaca Mashruuca ee saxda ah.

Waakan hoose Twitterkii Carlos Felipe

Waxaa cadaattay in Xukuumadu o ay olole Siyaasadeed iyo Magac Randis ay u adeegsanayso Dhaqaalaha Deeqda loo siiyo Soomaaliya kolkaasna la yiraahdo Cayr baan bixineynaa iyo Maamul Giboleedyadaan Lacag Deeq ah ka siineynaa Canshuurta soo gasha Dowlada.

Puntlandi.com
Garowe

<