Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ‘ Dekada Muqdisho Soomaali oo dhan aa isticmaashaha halka Boosaaso ay Reer kaliya intafaacsadaan

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee hada lamagacaay Cali Jeyte Cismaan ayaa ku hanjabay in ay Puntland ka joojinayaan Xoolaha iyo Qudaarta haduudan Madaxweyne Deni uusan ka laaban go’aankii ahaa inaan Puntland laga saarin wax raashin ah.

Gudoomiyaha Cusub re Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu yiri” Dowladii Kacaanka Mashaariicdii u dambeysay ee Dalka laga hirgaliyo waxaa u Dambeeyay Dekada Bosaso iyo Wadada isku xirta Garowe Bosaso, waa Hanti Soomaaliyeed oo cidna aysan Gaar u lahayn, Dekada Muqdisho Soomaali oo dhan ayaa isticmaasha halka Dekada Bosaso ay Reer kaliya isticmaalaan”.

Gudoomiye Jeyte oo u hanjabaya Madaxweyne Deni wuxuu kaloo sheegay in Hadii uusan Madaxweyne Deni uusan ka noqon go’aankii ahaa in Reer Puntland ay dhaqaalaystaan Cunada oo aysan ka saarin Puntland ay Reer Hiiraana goodanayaan Qudaartii ay u soo dhoofin jireen Puntland.

Hadalka kasoo yeeray Gudoomiye Jeyte ilaa hada Puntland wax jawaab ah kama aysan bixin.

Puntlandi.com
Garowe

<