Sheikh Shaakir “Anaa Madaxweynaha Galmudug ah Dowladu iyada ka baxday heshiisyadii

Hogaamiyaha Ehlu Suna Waljameeca Ayaa Shacabka qaaday inuu Nairobi kula kulmay Beesha Caalamka uuna Kenya u joogo danaha Shacabka uu Madaxweynaha u yahay Deegaanada Galmudug.

Shaakir wuxuu hoosta ka xariiqay in Dowlada Federaalku ay burburisay Heshiiskii ay ku yimaadeen Galmudug isla markaasna wadada loo xaarayo sidii Shabaab ay Deegaanada ugu xoogaysan lahaayeen.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay u dabaal dagen markii Dowlada Federaalku ay Ehlu Suna la dagaalamay, wuxuu kaloo sheegay in Al-Shabaab ay hada bilaabeen iney Dadka dhibaateeyaan isla markaasna meelo badan ay Cashuur ururin ay ka bilaabeen.

Lama oga sababta hada soo cusboonaysiisay in Sheikh Shaakir iyo Ehlu Suna ay sheegayaan Hogaanka Galmudug, waxaase loo badinayaa inay taageero ka heystaan. Qaybo kamida Beesha Caalamka.

Puntlandi.com
Nairobi

<