Puntland oo soo saaraysa Sharci cusub oo lagula dagaalayo Qaadwadayaasha

Puntland waxaa ka go’an in ay mutaystaan Ciqaab Adag kuwa ka beecmushtaraya Qaadka oo xiligaan laga manuucay Dalka.

Ciidamada Boolisku waxay Habeyn iyo maalin qabtaan dhowr Tan oo Qaad ah kasoo si dhuumalaysi ah lagusoo galiyo Gudaha Puntland.

Axmed Xasan oo ka tirsan Booliska ayaa wuxuu yiri “ In Islaamo qaadwalayaal ah la weeraro oo qaad lagubaa Habeyn walba macno ma sameynayso waa in Dagaal Adag lala galaa kuwa soo galinaya Qadka ee Qaadwalayaasha ah, waana in ay mutaystaan Ciqaab Adag, Marka hore waa in Xukuumadu Go’aan ay kasoo saartay, Anaguna waa inaan helnay Qalabkaan kula dagaali lahayn, waxaa ugu sahlan oo lagula dagaali karaa iyadoo lasameeyo Ciidan gaara oo dharcad ah oo qalabaysan, Hadii la rabo halaga dhex sameeyo Ciidanka Booliska”.

Sida ay hada xogta ku hayaan Howlwadeenada Puntlandi.com qaadka ugu badan wuxuu Puntland kasoo galaa dhinaca Soomaaliland Xukuumaduna Way la socotaa laakiin wali talaabo rasmi ah lagama qaadin, aan ka ahayn in Qaadka la ugaarsado Marka uu soo galo Gudaha Dalka.

Waa qaabka ugu wanaagsan Talooyinka Boolisku soo jeediyeen ee ah in la sameeyo laan gaara oo La dagaalanka qaadka.

Puntlandi.com
Bosaso

<