Puntland oo wali sii adkeynaysa ka hortaga Xanuunka Covid19

Bandowgii la saaray Magaalooyinka Puntland wuxuu noqday mid lagu guulaystay oo ay Shacabku u hogaansameen, halka Culumadu ay khalkhal ku noqdeen Amaradii ay Xukuumadu soo saartay ee looga hortagayay Xanuunka Covid19.

Laakiin waxaa hada muuqata in Xukuumadu ay Go’aan Adag ka qaadatay Masaajidyada aan u hogaansamin Amarka Dowlada.

Ciidamada Amniga ayaa loo xilsaaray inay ilaaliyaan u hogaansamida Soo Amarada lagu xakameynayo Xanuunkaan.

Shacabka ayaa iyagana looga baahan yahay inay dhagaystaan Talooyinka ku aadan Dalaadaha Jameecada ah, waxaana sitoosa hada Dhacabka loogu amray inay Salaada ku tukadaab Guryohooda,

Waxaa Isniinta la filayaa in go’aamo hor leh ay Xukuumadu soo saarto, kuwasoo saameyn ku yeelanaya isusocodka Magaalooyinka waaweynnoo laga yaabo in wakhti kooban hakad lagaliyo.

Dadka ka imaanaya Soomaaliland ayaa iyana laga yabaa in Amaro dheeraada laga soo saaro.

Puntlandi.com
Garowe

<