Gudiga Doorashadu dib ma u dhigi karaa Doorashada

Todobaadkii hore waxay Warbaahinta Puntlandi.com soo bandhigeen Qorshe ay Xakuumada Federaalku ay doonayaan inay uga faa’iideystaan Xaalada Corona Virus si Xukuumadu ay Wakhtiga u kororsato, Linkskaan hoose ka akhriso warkaas todobaadkii hore

Dowlada Federaalka oo doonayaa inay Doorashada dib u dhigto

Hadaba Gudiga Dooradhaduniyagu dib ma indhihiida karaan Doorashada.

Jawaabtu waa MAYA, Doorashada in dib loo dhigo waxaa soo jeedin kara Madaxweynaha oo wada tashi la sameeya Saamilayda Doorashada, si Sharciga loo waafajiyo waa in labada Aqal ay Ansixiyaan in kastoo aysan muhiimba ahayn xogtaan maadaama iyaga Wakhtigooda uu ku egyahay 2030 dhamaadkiisa.

Laakiin Xiligaan hada lagu jiro oo muran badan uu ka taagan yahay qaabka Doorasho waxaa Adag in Madaxweyne Farmaajo uu Doorashada Dib u dhigo.

Hadii Madaxweynuhu uu isagoon la tashan ogolaanshana ka haysan Saamilayda Siyaasadeed uu isku dayo in Doorashada dib loo dhigo waxay ka dhigan tahay Wakhtiga oo ay kororsadeen,Taasina waxay cirka ku shareeraysaa Khilaafkii horay u jiray. .

Saamilayda Siyaasadeed ee Madaxweynaha u ogolaannkara inuu Doorashada Dib u dhigo waa Maamul Goboleedyada iyo Xisbiyada Siyaasada, macno ma samaynayso in Madaxweyne Farmaajo uu qol kusoo xirto Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed waayo Beesha Caalamka , Xisbiyada Mucaaradka iyo Maamulada kale si qodo dheer ayay u ogsoon yihiin qaabkii lagu dhisay Maamuladaan, si kale hadii loo dhigana Maamuladaan waa kuwo ay Si Xooga ah Ku sameeyeen Shaqaalaha Villa Soomaaliya, sidaas awgeed macno ma samaynayso in Mdaxweynuhu uu yiraahdo Doorashadaan dib u dhigay oo Waxaan haystaa kalsoonida Sadexdaan Maamul.

Xisbiyada Siyaasada oo noqon kara Hogaanka Mustaqbalka waxay kaalinta muuqata ka Ciyaari doonaan u diyaargarowga Doorashada 2020, Xiligaan wax awood ah yeelan mayaan Baarlamaanka uu Wakhtiga ka dhamaanayo dabayaaqada 2020, Xisbiyada SIYASADA iyo Maamulada rasmiga ah ee Shacabku soo Doorteen waa kuwa ugu muhiimsan Saamilayda Siyaasadeed ee laga rabo inuu Madaxweynuhu kalsooni ka haysto haduu isku dayo inuu soo jeediyo in Doorashada dib loo dhigo.

Hadii taasi dhici waydo waxaa muuqata in Xukuumadu ay doonayso inay ka faa’iideysato Corona Virus si Wakhtiga ay u kororsadaan Taasina sida muuqata waxay horseedaysaa dib u dhac iyo muran ku dambayndoona Roadmap cusub oo u dhigma kii The Kampala Accord.

Halkaan ka alhriso Kampala Accord

Waxaa Xusid mudan Dalka Koonfurta Kuuriya oo kamid ah Dalalka uu sida ba’an u saameeyay Corona Virus waxaa ka bilaabanaya Doorashada oo One Man One Vote ah.

Hadii Cudurkaan uu Soomaaliya saameyn wayn kunyeesho waa Macquul in Doorashada dib loo dhigaa laakiin waa in loo maraa wadada saxda ah oo ay Saamilayda ay raali ka yihiin, Sida Xisbiyada Siyaasada, Puntland iyo Jubbaland.

Puntlandi.com
Garowe

<