Soomaalida ku nool Ingiriiska oo Geerida dhaaftay boqol Qof Covid19

Alla ahayn naxariistee Cabdiraxman Cali Carkow Oo ka mid ah Soomaalida ugu dambeysay ee u geeriyootay Covid19, wuxuu geeriyooday 15/4/2020

Soomaalida ku nool Dalka Ingiriiska ayuu saameyn weyn ku yeeshaan Xanuunka dilaaga ah ee Covid19. Inka badan 359 Soomaali ah ayaa la Xanuunsan Cudurkaan iyadoo shalay ay tirada dhimashadu gaartay 100 Qof sida lagasoo xigtay Xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee London.

Tiradaan ma aha Rasmi laakiin waa mid ay soomaalida dhexdeeda sameeyeen.

Xanuunka Corona Virus ayaa Soomaalida soo weeraray xili aan si fiican looga warhayn Xanuunkaan tasoo keentay in ay Soomaali badan si sahlan oo aan la dareensanayn ay isugu gudbiyeen.

Dad badan waxay u heysteen in Hargab hayo waana tan keentay in DI sahlan uu Soomaalida dhexdooda ugu baaho.

Dalka Sweden ayaa todobaadkii u horeeyey ee uu Cudurkaan Soo gaaray waxay noqdeen Soomaalidu Dadka igu badan ee Cudurkaan uu ku dhacay, Todobaadkaas tirada Dhimashada Sweden oo dhan waxay ahayd 13 Qof, 7 kamid ah Soomaali ayay noqdeen.

Xaalada Soomaalida UK wali waxay ku jirtaa Khatar oo waxaa jira tiro aad u badan oo wali lagu daweynayo Isbitaalada.

Puntlandi.com
London

<