Ehlu Suna Waljameeca oo Dowlada Federaalka ku eedeysay iney Dagaal ka hurinayaan Galmudug si Al-Shabaab loogu soo celiyo deegaanka

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Masuuliyiinta u saraysa Ehlu Suna ayaa lagu eedeeyay Dowlada Federaalka ah inay burburiday Heshiiskii ay garwadeenka ka ahaayeen Jabuuti iyo IGAD, waxaa kaloo warsaxaafadeedka lagu cadeeyay in uusan jirin heshiis kale oo Ehlu Duna ay la gasha Villa Doomaaliya.

Warsaxaafadeedka waxaa kaloo ku qoran Sudan “Waxaan Beesha Caalamka iyo Umada Soomaaliyeed u sheegaysaa in Dowlada Federaalku ay Dagaal ka hurinayaan Deegaanka tasoo wadada u xaaraysa in Galmudug lagu abuuro Al-Shabaab iyo Daacish.

Qoraalka xiligaan kasoo baxay Ehlu Suna ayaa noqonayaa hadalkii u horeeyey ee kasoo yeera Masuuliyiinta Ehlu Duna tan iyo Markii looga adkaaday Dhuusamareeb ayna Masuuliyiinta Ehlu Suna ay u carareen Garowe

Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka, oo ku saxiixan inuu kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Garabka Ehlu Suna

<