Sawiro ,Bandowgii ay Caawa soo rogtay DF oon hirgalin

Waxaad moodaa in Shacabka Muqdisho aysan u hogaansamin Talooyinkii loosoo jeediyey tasoo khatar ku ah Magaalada.

Dowlada Federaalku waxay laga bilaabo Caawa ay Bandow kusoo rogtay gabi ahaan Magaalada Muqdisho si loo xakameeyo Cudurka Corona Viruska, laakiin ma jirto cid u hogaansantay.

Wadada Maka Al-Mukarama oo hada ah wadnahs Magaalada ayaa Gawaarida isu dhex yaacaysay sidii caadada ahayd, waxayna taasi muujinaysaa in aysan wali Shacabku aysan ku baraarugsanayn khatarta ka imaanaysa hadaan la dhagaystaan Talooyinka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Shacabku Muqdisho ka codsatay in la raaco Talooyinka Wasaarada Caafimaadka ayna Shacabku ka qaybqaataan Xakameynta inuu faafo Xanuunka Covid19.

Dowlada Puntland ayaa ilaa hada si rasmi ah ugu guulaysatay in ay Shacabka fahan siiyaan khatarta Ka imaan karta hadaan la maqan Talooyinka Hay’adaha Caafimaadka.

Puntland waxay mudo 15 maalmood ah kordhiyeen Bandowga oo hada wajigiisii Joof uu ku ekaa Caawa, Wajiga labaad oo 15 maalmood ahna maanta ayaa Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay.

Sawiradaan hoosecwaa Caawa 15/4,2020 iyo wadada Maka Al Mukarama

Puntlandi.com
Muqdisho

<