Gaalkacyo oo habeynkii Qof dhaqaaqa laga waayey

Tan iyo Markii Bandowga lagusoo rogay Puntland waxaa adkaadey in la xakameeyo Shacabka si ay ugu hogaansamaan Sharcigaan cusub ee Magaalooyinka lagu xakamaynayay si looga hortago Corona Virus.

Gaalkacyo waxay kamid ahayd Magaalooyinka ay Ciidanku khaatiga ka taagnaayeen iney Dadku u hogaansamaan Sharciga.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Dhabancad ayaa wuxuu hada keenay Magaalada Ciidan dheeraada kuwasoo aad ula dagaalamay Shacabka ku xadgudba Bandowga.

Xalay waxaa Gaalkacyo laga waayay Qof dhaqaaqa oo Magaalada maraya, waxayna taasi muujineysaa in Reer Puntland ay u hogaansameen Sharciga lagu xakameynayo Cudurka Corona.

Bandowga oo caawa ay ugu dambeyso waxaa lasugayaa in wakhti lagu sii daro maadaama guul laga gaaray.

Bosaso iyo Garowe ayaa iyana si wanaagsan waxay ugu hogaansameen Bandowga.

Puntlandi.com
Garowe

<