Dowlada Puntland oo Dadaal dheer ka sameysay ka hortaga Corona Virus, Sameynaysana Keyd Hawada Ogsajin

Dowlada Puntland ayaa guul weyn ka gaartay ka hortaga Cudurka Corona Virus, Iyadoo Gudiga Wacyigalinta uu Habeyn iyo maalin ku howlan yahay qaabkii Dadka loo gaarsiin lahaa Talooyinka Muhiimka ah.

Iyadoo laga tusaale qaadanayo Wadamada uu Cudurkaan sida weyn u sameeyey Waxaan isku daynay inaan macluumaad badan helno si Shacabka aan ugusoo gudbina qaabka ugu wanaagsan oo looga hortagi karo Cudurkaan, Waxaa la isku raacay in guul laga gaaray in Hadii socodka la yareeyo oo Guryaha la jooga, Hadii lakala dheeraada oo masaafo ugu yaraan hal mitir ah la isu jirsado, Hadii Gacmo dhaqa la Badiou , Waxaa yaraanaya faafinta Cudurkaan.’ waxaa sidaas yiri mid kamida Gudiga ka hortaga Corona Virus ee Puntland.

Dowlada Puntland waxay sheegtay in ay sameynayaan meelo lagu keydiyo Ogsajiinta Dadku qaataan tasoo qayb weyn ka noqonaysa qaabka loola tacaalayo Dadka uu cudurkaannhaleelo.

Dawada kaliya ee ilaa hada la hayaa waa in Laga caawiyo Qofka Cudurkaan uu ku dhaco inuu Neefta ku filan qaato sababtoo ah Cudurkaan wuxuu abaaraa oo waxyeelaa Qaybaha Neefta ee jirka sida Sambabka iyo Dhuunta.

Madaxweynaha Dowlada Puntland wuxuu Shacabka ku adkeeyey in la raaco Talooyinka loosoo jeedinayo loona hogaansamo qaynuunka ay Xukuumadu ugu tala gashay Xiligaan Adag si looga guulaysto Cudurkaan, haduu Illaahay Isimo.

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo kaashanayaan Wadamada aan saaxiibka nahay oo Dowlada Emaaraatku u horeeyaan ayaa iyana ku dadaalaysa sidii ay daryeel u heli lahaayeen Bukaanka uu haleelay Cudurkaan.

Wasaaradu waxay kaloo sheegtay in macnuhu uu San ahayn in la daryeelayo Dadka Cudurkaan qaba oo qura ee dabcan bukaanada kale iyaga sidii caadada ahayd ayaa shaqadooda loo wadayaa ilaa hada.

Puntlandi.com
Garowe

<