Ciidamada Cirka ee Itoobiya oo duqeeyay Daldhig Al-Shabaab leeyihiin Al-Shabaab badana ku laayay

Guutada Ciidamada Itoobiya re loo yaqaan Eastern Air Force ayaa weerar Cirka ah waxay ku burburiyeen Saldhig lagusameeyo Waxyaabaha Qarax oo Al-Shabaab leeyihiin oo ku yaala Dergaanada Kurteele iyo Yurkud oo Gobolka Bay ka tirsan.

Sargaal u hadlay Ciidanka Cirka Itoobiya ayaa sheegay in Meelaha ay duqeeyeen lagu maleegayay weerar k dhan ah Ciidan Itoobiyaan ah oo Doolow ka yimid kunasii jeeday Baydhabo.

Sargaalku wuxuu sheegay oo kale in halkaas lagu dilay 17 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Itoobiya waxay weerarkaan ku tilmaantay Qorshe Ciidan oo guulaystay, kana mid ah weerarada lagula dagaalamayo Argagixisada Bariga Afrika.

Koonfur Galbeed ilaa hada wax wara kama aysan soo saarin Weerarkaan.

Puntlandi.com
Baydhabo

<