Puntland oo habeynkii sii xiraan doonta laba isbuuc iyo masjidyadii oo la xiray

Gudiga Puntland u qaabilsan ka hortaga iyo Wacyigalinta Xanuunka Corona Virus oo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi uu shirgudoominayay ayaa isku raacay in 14maalmood la kordhiyey Bandowga habeynkii ee Puntland.

Gudigu oo Galabta shiray waxay qireen in Dhacabka Puntland ay u hogaansameen talooyinkii iyo Bandowgii, taas oonatiijadeedu ay dhaqaysay.

Ilaa hada ma jiro cid Puntland joogta oo laga helay Cudurka, waxaa la xakameeyay Dadka kasoo gudanaya Xuduuda.

Bandowga horay loo saaray Puntland ayaa caawa ku ekaa laakiin hada waxaa la sii kordhiyey ilaa bilowga bisha maajo.

Dhanka kale waxay Puntland xirtay Masjidjada , waxaana la manuucay in Salaada Jamcada iyo jameecada lagu tukado masjidyada.

Puntlandi.com
Garowe

<