Wasiirka Cadaalada Hirshabeele “Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare Ma uu xanuunsana”

Wasiirka Cadaalada Maamulka Hirshabeele Muxayadiin Mukhtaar Macalin ayaa beeniyey warar la baahiyey oo Sheegaya in Madaxweyne Waare uu Xanuunsan yahay.

Wasiirka oo Saxaafada la hadlay wuxuu sheegey in Geeridii Wasiirku Dowlaha Cadaalada Alle ha u naxariistee awgeed loo taxa saarayo khaasatan Dadkii uu Wasiirku la kulmay intuusan Xanuunsan loogu baaqay iney is karantiilaan si loo hubiyo inta Qof ee uu Cudurka Covid19 uu u gudbay.

‘Wasiirku Dowlihii Cadaalada ee Hirshabeele Alla naxariistii hageeyee Khaliif Muumin ayaa shalay u geeriyooday Cudurka Corona Virus sidaas awgeed ayaa Madaxweynaha Hirshabeele wuxuu ku dhawaaqay in ay iskarintiilaan dhamaan Dadkii ka agdhowaa Wasiirka si loo xakameeyo in uu Cudurka baaha, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay inuu isagu iska bilaabayo, waana hadalkaas kan sida xun loo turjuntay oo laga dhigay in Madaxweynuhu uu la Xanuunsan yahay Covid19, Waase Been ayuu yiri Wasiirku.

<