Tababar loosoo xiray Taliyayaasha Ciidamada Booliska Gobolada Puntland

Taliyayaasha Booliska Gobolada Nugaal, Mudug, Bari, Sool, Karkaar iyo Ceyn ayaa tababar Sadex maalmood socdey loogusoo gabagabeeyey Magaalada Garowe.

Madaxweyne Deni ayaa dhowaan magacaabay Taliyaashaan iyadoo la isku shaandheeyay Taliyaasha Gobolada.

Saraakiisha Booliska Puntland iyo qaar kamid ah Gudiga Dib u habeynta Ciidamada ayaa ka qayb galay Munaasabada lagusoo xirayay tababarka.

Khaliif Ciise Mudan Wasiirkii hore ee Ambiga Puntlnd iyo Janaraal Saacid oo ahaan jiray Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlada Federaalka ah iminkana kamid ah Gudiga Dib u habeynta Ciidamada Puntlanf ayaa goob joog ahaa Munaasabada.

Taliyaha Booliska Puntland Mudane Janaraal Muxuyadiin ayaa la dardaarmay Taliyaasha wuxuuna ku booriyay inay si hufan u gutaan shaqadooda.

Taliyaha Saadka iyo Keydka Booliska Puntland Kornayl Maxamed Cabdi ayaa isna goob joog ahaa Munaasabada iyo Walhtigii tababarku uu socday.

Puntlandi.com
Garowe

<