Jubbaland oo laba Qof laga helay Corona Virus

Dowlada Jubbaland ayaa shaacisay in laba Qof laga helay Cudurka Corona Virus, Waana markii u horaysay oo Cudurkaan soo gaaro Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayay ku sugan yihiin labada Qof, Shacabka waxaa loogu baaqay iney Guryaha joogaan ayna is ilaaliyaan.

Jubbaland wali ma jirto Qorshe xoogan oo ay uga hortagayaan Cudurkaan balse beri oo Talaado ah waxaa isu imaanaya Golaha Wasiirada si looga tashado Xaalada Caafimaad ee Jubbaland.

Xiriirka Jubbaland iyo Villa Soomaaliya wali ma fiicna Sidaas awgeed Ma jirto isku halayn ay ka filayaan Muqdisho.

Wararka aan helayno waxay Sheegayaan in Jubaland ay Dowlada Kenya waydiisteen Qalab Caafimaad oo lagu baaro Corona Virus.

Puntlandi.com
Kismaayo

<