Dowlada Federqalka oo lagu eedeeyay inay ka beensheegeen Adeega Corona Virud, Isbitaalkana Martini oo aan wax Qalab ah aysan oolin

Ibraahim Xabeeb oo horay udoo ahaan jiray Xildhibaan ayaa wuxuu dhaca ka qaadey in Wasiirkii Cadaalada Hirdhabeele loo watay Qalab lagu daweeyo Isbitaalka Martine oo ay Dowlada Federaalku horay u sheegtay inay u doyaariyeen Dadka uu haleelay Corona Virus.

Xildhibaan Xabeeb wuxuu sheegay in Isbitaalka laga waayay mashiinka Neefta ka caawiya Dadka Neefta qaadan waayo, waana Qalabka kowaad ee lagula talaalo Dadka qaba Cudurka Corona virus.

“Isbitaalkii Shacabka loo sheegay in loo diyaariyey Corona Virus hal Qalab ma yaalo” ayuu yiri Ibraahim Xareed

Wuxuu kaloo hadalka sii raaciyey “ Marxuumka markii Jawhar kaga keenay waxaa la geeyey Digfeer kadibna laba maalin kadib ayaa layiri Martini haloo qaado halkaasay Dowladu u diyaarisay Dadka qaba Covid19 , Nasiib daro waxaa dhacday in Wasiirkii uu Daryeel la‘aan iyo Qalab la’aan uu kala kulmo halkaas”

Wasaarada Caafimaadka Dowlada Federaalku waxay shaacisay inay Malaayiin Dollar u isticmaaleen Diyaarinta Xarunta Daryeelka Corona Virus ee Isbitaalka Martini, laakiin Arintaas waxaa beeniyey Xildhibaanka oo sheegay in aan hal Qalab ah uusan oolin halkaas.

Cudurka Corona Virus wuxuu hada ku baahan meelo badan oo Muqdisho kamid ah waxaana Bulshada loogu baaqay inay Guryaha joogaan ayna kala fogaadaan.

Puntlandi.com
Garowr

<