Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Bulshada Muqdisho

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Galabta kulan uu la qaatay Qaar kamida Wasiirada, Dhakhaatiirta iyo Culimada Muqdisho wuxuu kala hadlay xakamaynta Cudurka Corona Virus.

Madaxweyne Farmaajo euxuu si qodo dheer ula dardaarmay Culimada inay ka qaybqaataan wacyi galinta Shacabka isagoo sidii kale la dardaarmay Wasiirka Warfaafinta iyo Wasaarada Caafimaadka oo ku amray inay ka qaybqaataan wacyigalinta Dhacabka iyagoo la shaqaynaya Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Finish.

Madaxweynuhu isagoo la hadlaya Shacabka Muqdisho wuxuu yiri…

“ Guryaha jooga idinma oran karo waayo Wadamada kale Dowladahoodaa Dadka cunto Guryaha ugu geeya anaguna taas ma samayn karo waayo Awoowayaasheen Lacag nooma aysan kaydin aan kaga baxno Xaaladahaan oo kale marka waa inaad kala doorataan Gaajo iyo Corona.

Puntlandi.com
Nuqdisho

<