Dowlada Puntland oo Qoraal kasoo saaaysa Doorashada Soomaaliya

Dowlada Puntland ayaa Qoraal kasoo saari doonta Doorashada Doomaaliya ee bilaaban doonta Bisha Decembar danadkaan.

Dowlada Puntland waxay hoosta ka xariiqaysaa in aysan dhici Karin mudo kororsi iyo Doorashada oo dib loo dhigo, waxay kaloo Puntland ka dogaysaa in lasoo maleego Qorshe Doorasho oo aan loo dhamayn.

Warar hoose oo Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Puntland ay heshay macluumaad sheegaya in Masuuliyiinta Dowlada Federaalku ay Doonayaan inay ka faa’iideystaan Xaalada Caafimaad ee Caalamku ku jiro Cudurka CoronaVirus awgeed.

Dhanka kale Xisbiyada Siyaasada ayaa iyana la filayaa inay dhankooda bilaabaan olole Siyaasadeed oo lagu hubinayo in Doorashadu ay ku dhacdo Wakhtigeeda.

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad ayaa isna ka dhawaajiyey in aysan dhacayn Mudo korarsi iyo Qorshe Doorasho oo aysan Puntland ogayn in miiska la keeno.

Puntlandi.com
Garowr

<