Breaking News—Dowlada Federaalka oo ka codsatay Gudiga Doorashada in Doorashada dib loo dhigo iyo Gudiga oo Qoraal soo wada

Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay gacanta ku hayaan ayaa sheegaya In Madaxweyne Farmaajo uu la hadlay Gudiga Doorashada Ee Dowlada Federaalka waxayna isla meel dhigeen in mudo Sanad ah dib loo dhigo Doorashada.

Madaxweynuhu wuxuu Gudiga u sheegay in Ugu horayn dib loo dhigo shaqada Gudiga iyadoo dib u dhigaan sal looga dhigay Cudurka Corona Virus.

Qorshahaan Cusub oo ah mid maalmahaanba socdey ayaa Gudiga Doorashadu waxay maalmaha Soo socda ay u gudbinayaan Baarlamaanka.

Doorashada dib loo dhigayo waa tan Baarlamaanka oo dhici lahayd Bisha Decembar Sanadkaan, tasoo macneheedu noqonayaa in iyana ay dib u dhacdo tan Madaxweynaha ee Bilaaban lahayd dhamaadka Janaayo 2021.

Dib u dhigaan ayaa cududaar looga dhigayaa In Gudiga Doorashada aysan shaqadoodii qabsan Karin bilaha soo socda maadaama Xukuumada Federaalku ay Amartay iney Gudigu shaqada joojiyaan inta lagu jiro Xaaladaha la xiriira Corona Virus.

Puntlandi.com
Nairobi

<