Wadamada Yurub oo tartiib tartiib ugu soo laabanaya nolol maalmeedkii kadib Corona Virus

Wadamada Yurub ayaa bilaabay iney dib u furaan dalalkooda kadib markii ay Dagaal Adag lagaleen Cudurka Corona Virus, waxayna tartiib tartiib u furayaan Nololmaalmeedkii.

Wadamada Yurub marka laga reebo Sweden waxaa gabi ahaan la xiray isusocdka waxaana Dadku lagu amray iney guryaha joogaan tan iyo markuu Corona Viruska soo gaaray Yurub oo hada ku dhow Sadex todobaad ka hor.

Shacabka Czech Republic waxaa hada loo ogolaadey iney kasoo adeegan karaan Bakhaarada lagu gado Baaskiilada iyo Qalabka kale, waxaa loo fasaxay iney Ciyaaray karaan Tenska ayna aadi karaan Goobaha lagudabaasho, Dukaanada yaryar ayaa iyana loo furayaa Todobaadka soo socda.

Denmark waxay iyana dib u furaysaa Xanaanada Caruurta iyo Dugsiyada Hoose laga bilaabo bartamaha Todobaadka soo socda hadii baahida Corona Virus ay ahaato sida uu hada yahay.

Norway waxay iyana Todobaadka soo socda dib u faraysaa Xanaanooyinka Caruurta.

Tani waxay muujinaysaa in lagasoo kabanayo Cudurka Corona in kastoo Dalal badan oo Yurub ah ay wali la tacaalayaan oo aysan wali ku guulaysan iney xakameeyaan Cudurkaan, halka Dalalka aan kor kusoo sheegnay ay u muuqdaan kuwo xakameeyey.

Guusha uga weyn ee ay Wadamada ka gaari karaan Cudurkaan ayaa lagu sheegay sida ay Shacabku ugu dhaga nuglaadaan Talooyinka loo soo jeediyo.

Puntlandi.com
London

<