London Nin u geeriyoodey Corona Virus kadib markii Haweeney ay ku qufacday Taksi uu waday

Auyub oo 33 sano jir ah wuxuu u geeriyoodey Covid19, kadib markii ay Haweynay ku qufacday Taxi uu wadey oo ay kursiga gadaale fadhiday


Ayub Akhtar, oo 33 jir ahaa kuna noolaa Xaafada Norwood ee Koonfurta London ayaa wuxuu u geeriyooday Cudurka Corona Virus.

Tagaasida Urban ayuu wadi jiray, intuusan geeriyoon wuxuu sheegey in Qof Dumar ah oo Taksigiisa soo raacdey ay dhowr jeer ku Qufacdey iyadoo fadhida kursiga dambe ee isaga ku aadanaa, Wuxuuna aamin sanaa in Qofkaas ay ku daaratay Fayruska.

Maalmo kadib wuxuu bilaabay inuu Qufoco, Walaalkiis ayaa wuxuu sheegey in Habeynkii uu aad u qufici jiray kadibna waxaa bilowdey in Ay dhibto qaadashada Neefta.

Ayub wuxuu Fariin SMS ah u diray qaar kamid ah Eheladiisa laba Habeyn ka hor intii uusan geeriyoon wuxuuna u qoray “I am really scared… pray for me.’ ” Waan cabsanayaa ee iisoo duceeya”.

Tani waxay markhaati u noqonaysaa Digniintii ahayd in aan gaari la isla raacin waayo Qofka gaariga kula saaran wuxuu si sahlan u gudbin karaa Corona Viruska.

Puntlandi.com
London

<