Isbitaalka Digfeer oo gabi ahaan la xiray, Warbixintii Puntlandi oo rumowday

Todobaadkaan horaantiisa Waxaan shaacinay in Qofbukaan ah oo Isbitaalka Digfeer ku jiray uu qabay Cudurka Corona Virus balse aan laga warhayn taasoo keentay in hada laga cabsi qabo in dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaadha Isbitaalka ay si tartiib tartiib ah ay isugu daartren Corona Virus ka.
Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com ay wariyeen Qofkaan bukaanka ahaa ayaa la isku dayay in loo qaadi Isbitaalka Martini ka dib markii la ogaadey inuu qabo Corona Virus, mase aysan suura galin.

Dhalhaatiirtii iyo kalkaaliyaadhsii daweynayay Qofkaan bukaanka ah ayaa waxay Goobaha nasashada ee Isbitaalka iyo Xafiisyada waxay kula kulmeen Shaqaalaha kale ee isbitaalka waana qaabka la isugu gudbiyo cudurkaan.

Inkastoo arintaan ay u dhacday taxatar la’aan hadana waxay keentay in maanta Isbitaalka Digfeer la xiro gabi ahaan.

Dhakhaatiir iyo Klkaliyaal Caafimaad ayaa la karantiiley.

Puntlandi.com
Muqdisho

<