Ingiriiska oo laga cabsi qabo in maalintii ay dhistaan kun Qof

Wasiirka Caafimaadka Boqortooyada Ingiriiska Matt Hancock ayaa isagoo ka hadlayay furitaanka Goob lagu dabiibayo Dadka qaba Covid19 wuxuu sheegay in laga yaabo in fasaxa Easterka ay sare u kacaysi dhimashada uu sababo Covid19 ayna gaarayso maalintii ay geeriyooday kun Qof.

Walalkaan cusub ayaa yimid kadib markii 19 Qof oo kamida Shaqaalaha Caafimaadka ay u geeriyoodeen Corona Virus iyadoo Dowlada lagu eedeeyey in Shaqaalaha Caafimaadka aysan heysan Qalabka La isaga difaaco Feyruska oo ku filan, iyovwacyigalin wanaagsan oo aysan Shaqaalihii aysan helin.

Wasiirka Caafimaadka wuxuu sheegay in Kharøtarta ugu weyn ee Covid19?ay dhici karto Axada oo ah maalinta kowaad ee maalin Diimeedka Easterka.

Xaalada Dalka Ingiriiska ayaa aad ugasoo dareysa waana Dalka ay ku geeriyoodeen Soomaalida ugu badan ee uu dilay Cudurka Covid19.

Puntlandi.com
London

<